Sookoobidda Buugga "Indha deeq ku aaway?"
Buugga: Indhadeeq ku aaway?
Bogga: 202
Qoraaga: Ismaacil C. Ubax
Sannadka: 2015
Nooca: Sheeko faneed.
Buuggan la magac baxay "Indhadeeq ku aaway?" Waa mid ka mid buugta ugu farshaxamaysan, sheeko faneedda Soomaliyeed. Buuggan waxa bud dhig u ah qiso jacayl oo ay weheliso dareen siyaasadeed. Faysal Keynaan waa jilaaga kowaad ee sheekadan, isaga oo jeclaanaya Indhadeeq Cali. Buuggan waxa uu qoraagu u sameeyay sagaal nuqul oo aynnu mid mid u dul istaagi doonno. Laba qayb oo ka mid ah waan isku soo qaadi doonna. "Indhadeeq" iyo "Waan kusoo jeclaanaya" waynnu isku sidki doonna.
MAGACAA?
Subax isaga oo dhex mushaaxaya midka mid ah baraha bulshadda ayuu si kadis ah Faysal kaynaan indhaha ku dhufunaya, sawirka inanta Noloshiisa saamaynta ku yeelan doonta. Faduulin dhalinyarnimo ayuu ku doonaanaya oo wuu la hadlayaa. Halkaa ayay ku jalbeebtamayaan. Ugu dambaynna hawl maalmeed kiisa ayuu dhinac kaga faylay. Shir ay ku arrinsanayeen sadexda xisbi ee ku loolamaya doorashadda foodda kusoo haysa ayuu ka qayb galay.
Indhadeeq Cali waxa ay ku kulmeen madasha shirarka iyadda oo iyana ka socota dhinaca xisbiga Aqbal ee aabbeheed musharraxa ka yahay. Dood shaqada arrimaha kulanka ka baxsan oo dhex maray Faysal iyo Indhadeeq ugu dambayn haddalo xanaf iyo xajiin leh ayay ku kala kaceen, Faysalna qoomamo iyo ciil ayuu la dheelmaday isaga oo dabinta hoose ruugaya. Qalad in uu galay ayuu qirayaa. Qof maanqaadday in uu fogayeeyay ayuu isku canaantay.
BULSHO.
Kaynaan oo ah Faysal aabbihii ayaa lahaa fikradda lagu aas-aasay xibigan bulsho. In dib loo nooleeyo wada jirkii dadka ku nool dalkan, oo xidida loo saaro qabyaaladda xoogaysatay, ayaa ah sababta ugu wayn ee loo unkay xisbigan. Faysal oo ka qalin jabiyay arrimaha bulshadda ayuu aabbihii ka dhigtay garab uu ku duulo. Bulsho waxa ay doonayaan in ay ka dhigtaan sallaanka lagu gaadho halka ay sirtu ka qudhunsanatahay.
Hawl galladda lagu boorinayo in shacabku codkooga siiyaan xisbiga Bulsho ayaa ay diyaariyeen iyaga oo ku safarro isku diyaariyay ay kusoo marayaan waddanka, dacal ilaa dacal. Tartan xoog badan ayaa ay diyaar u yihiin.
Aabbo.
Faysal Keynaan waxa uu ku hawlanna hawsha xisbiga, doorashaduna way soo dhawaatay, dadaalkiina wuu laba jibaaray. Xanuun wuu ku ogaa aabbihii oo dhawr qalliin oo uu galay aabbihii ayuu goobjoog u ahaa. Xaaladdiisa caafimaad marna laguma kalsoonaan karin Keynaan. Khudbad ayuu ka hor jeedinayay kumaan qof markii loo sheegay in laga dayrinayo xaalladda caafimaad ee aabbiihi. Socdaal deg deg ah ayuu usoo xadhko xidhay. Naf kumuu soo gaadhin ee intii uu jidka kuso jiray ayuu nafbaxay. Waxkasta oo uu dhici kara qof aabbihi oo ay waliba saaxiib ahaayeen ka baxay, ayaa uu mutaystay. Warbaahinta ayaa durba qaada dhigtay, tariikhda marxuum Keynaan. aas qaran oo madax iyo marti kale ba kasoo qayb galeen ayaa loo sameeyay. Muxaafid iyo mucaarid way walaaloobeen, oo aaska ayay wada joogeen. Cali shaandho oo ah ninka uu loolanka adagi ka dhexeeyay marxuumka, ayaa iska ilaaway xafiiltankii oo tacsi ugu laab qaboojiyay Faysal.
Faysal murug ayuu dhexda ka galay. Inkasta oo uu ka wada baxay, oo ay hooyadiiba wayday saygeegii ay saaxiibka ka dhigatay, haddana si aanay cid ugu nuglaan tiiraanyada ayay isaga u taabatay. Todobaadkii kowaad ee geerida wuu nafnacay oo cadceed Alle uumay ismay arag. Qolka ayuu kaligii ku go'doomay.
Dib u shidaalaynta hawshii xisbiga Bulsho oo ay wiiqmi ku timid ayaa la iskugu habarwacday. Odayaal golaha dhexe xisbiga, oo Cumar hogaaminayo aya shir iclaamiyay. Keynaan waa loo yeedhay. Inkasta oo uu aabbihii xisbigu baxay, haddana riyadiisi in aanay dhiman ayaa loo sheegay. Sumacadda iyo maamuska Bulsho cirka isku shareeray ayaa loogu bushaareeyay faysal. In isaga loo doortay gudoomiya xisbiga farta laga saaray.
Wuu ka biyo diiday oo waxa uu u sheegay in aanu hawsha diyaar u ahayn masuuliyadda. Xisbiga uun maahee in uuna shaadhkii siiyaasadda iska siibayo ayuu ku war celiyay. Mar haddii aabbihiba xabaalaha lagu soo duugay in riyaddiisana la raaciyo ayuu ku baaqay. Odayaal iyo cuqaal madasha ku sugnaa mid walba wuu ku hungoobay in uu qanciyo Faysal keynaan.
Albaabka ayuu toos uga baxay. Banaanka ayuu hawo badalasho ku tagay. Telefoonkiisa yaa yeedhay. Indha deeq ayaa soo wacaysa. Hadal kooban kadib waxa ay mar kale isku barteen halkaa. Nayaayiro ayay qalbigisa galisay. Waa cusub ayaa u baryay.
WAAN KUSOO JECLAANAYAA.
Soo labaashadda Indha deeq waxay ugu beegantahay xilli uu baahnaan. Garab ayay uga noqotay cidladii uu kaligii shawri jiray. Dad wada xidhiidha oo iska warhaya ayay noqdeen. In ay wadanka ka maqanatahay iyo halka ay u dhalatay ayuu ogaaday. Qabiilka ay kasoo jeeddo ayuu fahmay. Qofka farxaddan ilaa hooyadii dareentay sababta u noqotay ayay ahayd. Noloshii caadiga ahayd ayuu aayar ayaar ugu soo laabtay.
Adeerkii Siiciid ayaa noqday wadda qudha ee loosoo mari karo in gudoomiya xisbiga uu noqdo Faysal. Siciid Waa oday si wayn looga qadariyo. Kaynaan ayaan hadal kusoo celin jirin faysalna hadalkiisa daa. Adeerkii oo ay hooyadii u jiibinayso ayaa hadal canaan iyo waano iskugu jira ku harqiyay. isaga oo aan hadalkale ka keenin ayuu haye ogoli ugu soo gabo gabeeyay faysal. Waydasada ayuu u biyaystay arimihii xisbiga. Boodhka in uu ka tumo ayuu go'aan ku gaadhay. Subaxnimadii dambe ayuu shir jaraa'id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga bulsho. In uu rumaynta riyaddii aabbiihi u taagan yahay ayuu ku dhawaaqay. Keynaan haddii uu god galay in dhiigiisi nool yahay ayuu caddeeyay. Musharax in uu yahayna wuu shaaciyay.
Kamuu qarsan Indha deeq e' wuu u sheegay. In siyaasaddu kala fogayn doonto iyada oo og ayay u hambalyaysay. Aabbeheed ayuu la tartamayaa inantiisana wuu soo jeclaanayaa.
WAAN KU JECELAHAY.
Dareenkii jacayl ee isasoo tarayay ayaa sabab u noqday, in uu qarsado doonista Indha deeq. Shaaca ayuu ka qaaday, iyana way soo dhawaysay. Jacayl ayay bilaabeen oo lammaane aan kala maarmin ayaa ay noqdeen. Jacayl dhaba ayaa dhexdooda ka beermay. Farxad aan waarayn ayay sii dhex mushaaxeen. Dhayda jacaylka ayay wada dhameen. Laba la iskugu talo galay ayaa ay noqdeen.
MUDANE MADAXWAYNE!
Inta uu ku fikiro ku guulaysiga Indha deeq waxa uu inka badan ku fikirayaa ka guulaysiga aabbeheed. Dardartii loo bartay ayuu saa'id ku daray. Dalsan oo caasimadda wadanka ayuu ka jeediyay khudbad qiiro iyo qiimo saba leh. Codkooga in ay Bulsho ku hubsadaan ayuu kusoo gabo gabeeyay. Haddallada been abuurka ah ee kaga imanaya xisbiga Aqbal in aan dhag jalaq loo siin ayuu u sheelay. Cali shaandho waa lagaga adkaaday garoomadda siyaasadda sidaa darteed dhaliil raadinta iyo hadaladda deel qaafka ku ah Bulsho ayuu maciinsaday. Waa halka qudha ee uu fursad u arkayay. Intii kale way kasoo xidhantahay. Dalsan waatan laga xoogay. Tuulooyinka dalkana mid mid ayuu usoo maray Faysal. Safar bari ilaa galbeed ah ayuu soo galay. Caasimaddan uu maanta hantiyay ayuu ugu dambaysiiyay. Warbaahinta ayaa intuu ahaa waxkale kusii dartay. Guri kasta isaga ayaa laga hadal hayaa.
Maalinkii doorashadda ayuu u kabo gashaday. Goobaha cod bixinta ayuu kolba mid soo marayay. Dhiiranaan ayaa ka kuuqatay. Waddan oo dhan ayaa looga dareeray doorashadan. Meelaha qaar waraqaaha codaynta ayaa go'ay, faysal aya xaliyay. Daadaal iyo ka warhayn shacabkan rajadu u muuqato kadib waa lasoo guryo noqday.
Xafiiska, dhexe ee bulsho ayuu soo galay. Cumar iyo hooyaddii ayaa wehelinaya. Hoolka uu hadhaw warbaahinta kula hadli doono ayuu isha mariyay. Hore markii uu u dhaafay ayuu qol martida tagay. Dadka badan 250 oo shan shan u fadhiya ayuu salaan intii uu ka gaadhi karayay gacan qaaday. Indhadeeq ayaa soo wacday!
Markasta oo doorshaddu soo dhawaato, waxa sii xoogaysanaya jacaylkooga. Waa laba aan la isla helayn. Fursad uu Faysal kaga baxo siyaasaddan haddii u helayo Indhadeeq ayuu u gu'i lahaa.
In uu iyada hantiyo ayuu ka jecelyahay in uu madaxwayne noqdo.
Inta ay fariin jacayl usoo dirayso Indhadeeq waxa garab socoda fariimaha muxiyadiin ee natiijadda codadka magaalooyinka la tiriyay. Waa kaaf iyo kala dheeri. Wicitaankii u dambeyay ayaa loogu sheegi in uu guulaystay. Guuldaradda oo uu necebyahay darteed ayuu ugu farxay. Indhadeeq oo uu ka fogaanayo darteed ayuu u naxay. Warbaahinta ayaa si rasmi ah shaaca uga qadday. Faysal waa madaxwayne.
NABADGELYO.
Xidhiidhkoogii ayaa si aan xadlahayn u koray 14 cisho oo ay sidii hore si ka duwan u wada hadlayeen, maanta ayuu xilkii la wareegaya faysal. Jacaylkiisiina wuu ka wareegayaa. Go'aan ayay ku gaadheen in ay walaaltinimadooda xoojiyaan. Xil uu maanta ka jeclaan lahaa in uu iska daayo ayuu la wareegay.
Ballanqaadyadii uu qaaday ayuu fulintooda u kabo gashaday. Xidhiidhadii diblumasiyeed ee lumay ayuu hagaajiyay. Waddamo kala ay kala xadhko furteen ayuu heshiisyo la galay. Kaalinta dhaqalaha ayuu xoojiyay isbadallo waa wayn ayuu muddo yar ku sameeyay. Wixii laga filayay ayuu shacabkii u fidiyay. Qofwalba in aanu codkiisi khaasarin ayuu tusay. Abaalkii loo galay ayuu guday.
Intaa kama maqna Indhdeeq. Jacaylkoogu wuu wiiqmay laakiin dareenkii waa sidiisii. In uu rajo fiican arkayo ayuu u sheegay. Way ku faraxday. Ilaa inta la gaadhayo in aanu u sheegayn oo ay ka dhursugto ayuu ku wargaliyay. Hawlihiisa shaqo ayuu halkii kasii watay. In uu xilkan iska casilo ayuu damcay. Riyooyinkii in aanay wali dhammaan ayuu is tusay. Maalin in uu kursiga faarujin doono ayuu niyadda gashaday. Safarkii u horeeyay ee uu dalka uga baxo guulo ayuu kasoo hooyay.
Waxbadan in uu qabtay ayuu isku tusiyay. Xilli ka haboon oo uu xilka dhaafi laha ma jirto. Warqad dheer oo uu isku casilaayo ayuu qoray. Hooyaddii waa qofka qudha ee garabkiisa taagnayd. Warwar waalidnimo oo ay dheertahay ilaalin guud ayay maalin walba la kowsataa. Maanta xilka wan ka tagaya haddii uu yidha faysal iyaduna way ciishoonayalsa. Haddii uu joogana isaga iyo Indha deeq midkoodna farxad ma helayaan talo ayaa ku caadaatay.
Go'aan ayuu qaatay. Warqad ayuu u qoray Indha deeq. Wanaaggii iyo wacnaantii ay u horseeday ayuu ku sheegay. Sida uu u doonayo ayuu ku xigsiiyay. Waxa kala horjooga ayuu tilmaamay. Hooyadii in aanu murugo la rabin ayuu u cadeeyay. In uu isagu ciil qaatay oo uu hooyadii cillad li' i u dooray ayuu ku war galiyay. Jacaylkiisu in uu ka dhab oo uu jecelyahay ayuu u ishaaray. Nolol saraysa ta u saraysa in uu u rajaynayo ayuu farta ugu fiiqay. Calool xumo in aanay u qaadin oo cafisana wuu ka codsaday.
MAKAA DHABBAA?
Culays ayaa ka dagay. Ruux way nafistay laakiin qalbigu wuu holcay. Yeelkadii. Intii uu ku jiray kala doorashadda xafiis aanu hortiisa tagin ayuu qalfoof madhan ku hubsaday. Dardar galin ayuu ka bilaabay. Heshiisyo qabyo ahaa ayuu hawshooda galay. Wasiir walba oo ka faa'iidaystay maalmihi isku buuqa ayuu toos ula xisaabtamay. Wadooyin ayuu daah furay. Mashaariicda horumarineed ayaa halkeegii kasii socotay. Tartamadda maal gashi ayaa soo qulqulay. Miyiga ilaa magaaladda ayaa barwaqoobay. Faysal lagu badhaay ayaa loo la baxay.
Jacaylkii uu gacantiisa ku xabaalay, qalbigiisa ayuu ku noolyahay. Isaga ayaa qaatay maasuuliyadda kala tagooga. Farxadda hooyadii ayuu waxwalba ka hormariyay. maalin qalbigiisa kamay bixin, haddana kuma dhiiran in uu ka wardoono. Fulaynimadiisa ayay cadaysay oo way soo wacday. Haddalo gubtaanyo ku ah aya ay soo goctay. Xajiin ayay qalbiga ka marisay. Qalad walba uu qaatay. Maalinkii uu go'aanka gaadhay sidi ay noqotay, ayaa ay uga warrantay. In uu hooyadii farxaddeeda ka hormariyay tiisa ayuu ugu jawaabay. In aanu ku faraxsanayn go'aanka ee dantu keentayna wuu u ishaaray.
Markale ayuu dareemay sida uu ugu baayahanyahay Indhadeeq. In aanu ka maamrin ayuu isku arkay. Go'aan cusub ayuu gaadhay. Laba bilood ayuu qabsaday si uu jagaddan u faarujiyo. Markale ayuu go'aankii is casilaadda soo ceeliyay. Umuu sheegin ee waxa uu doorbiday in uu labadaa bilood hawlaha waddanka qabyadda ka ah dhamaystiro. Dadaalo xoog ayuu bixiyay. Ma rabo hawl qabyo ah in uu ka dhexbaxo dalkan lexejeclo ayaa ka haysa.
Xidhiidhkoogu joogto ma ahayn laakiin way iska warhayeen. Waxa ay ka ciidaysay farxaddii uu niyadda gashay. Hawlgalkii uu ku baadi goobayay ayaa dhicisoobay. In lasoo doonayo ayaa ay u sheegtay. Wadnaha ayaa go'ay, gacmaha ayaa gariiray. "Makaa dhabbaa ayuu ku hadaaqay" in ay wax walba jiraan oo ay aroosad tahay ayay u sheegtay. Qalbi haddii uu lahaa maalinkaa ayuu lumay. Waxa uu ka qoomamooday maalinkii uu aqblay xilka guddoomiyennimo ee Xisbiga.
Sookoobe: guddoomiye Fu'aad Xaruur, 2020
Comments
Post a Comment