Posts

Showing posts from June, 2025

Sookoobidda Buugga "Indha deeq ku aaway?"

Buugga: Indhadeeq ku aaway? Bogga: 202 Qoraaga: Ismaacil C. Ubax Sannadka: 2015 Nooca: Sheeko faneed. Buuggan la magac baxay "Indhadeeq ku aaway?" Waa mid ka mid buugta ugu farshaxamaysan, sheeko faneedda Soomaliyeed. Buuggan waxa bud dhig u ah qiso jacayl oo ay weheliso dareen siyaasadeed. Faysal Keynaan waa jilaaga kowaad ee sheekadan, isaga oo jeclaanaya Indhadeeq Cali. Buuggan waxa uu qoraagu u sameeyay sagaal nuqul oo aynnu mid mid u dul istaagi doonno. Laba qayb oo ka mid ah waan isku soo qaadi doonna. "Indhadeeq" iyo "Waan kusoo jeclaanaya" waynnu isku sidki doonna.                                  MAGACAA? Subax isaga oo dhex mushaaxaya midka mid ah baraha bulshadda ayuu si kadis ah Faysal kaynaan indhaha ku dhufunaya, sawirka inanta Noloshiisa saamaynta ku yeelan doonta. Faduulin dhalinyarnimo ayuu ku doonaanaya oo wuu la hadlayaa. Halkaa ayay ku jalbeebtamayaan. Ugu dambaynna hawl maalmeed ...